Muqdisho (KAAB) Shil-gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay Degmada Karaan ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilkan ay ku dhinteen laba qof – halka seddax kalana ay ku dhawaacmeen.
Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Soomaalida u taqaano Candho-meydlaha uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah.
Ciidanka Ilaalada waddooyinka ayaa gacanta ku soo dhigay wadaha – gaariga xamuulka ahaa kaas oo la dhigay xabsiga.
Xubno ka mid ah ilaalada waddooyinka ayaa uga digay wadayaasha gadiidka in si xowli ah u wadaan gaariga isla markaana ay muujiyaan masuuliyadda.
Dhaawacyada dadka waxyeelada ay soo gaartay oo halis ahaa ayaa loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.
Inta badan cariiriga waddooyinka ka jira iyo maamul la’aanta waddooyinka ayaa keena shilalka joogta ah eek a dhaca magaalada Muqdisho.