SO | EN

SO | EN

Shir jaraaid Sheekh Shariif oo uu kaga hadlay qodobo kala duwan

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu maanta 16 Agoosto 2025 ku qabtay Muqdisho kaga hadlay qodobo badan.

Wuxuuna kaga hadlay:

Beddel sharci-darro ah oo lagu sameeyay Dastuurka KMG, kaas oo uu ku tilmaamay mid khalad ahaa oo siyaasad looga dan lahaa.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo lagu qasbay shacabka, taas oo sababtay dhimashada hal qof oo ka dhacday Muqdisho.

Wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh barakicinta qasab ah oo lagu haayo shacabka Xamar deggan, taas oo u suuragelisay shaqsiyaad gaar ah inay ka macaashaan iibka sharci-darrada ah ee dhul alka danta guud, iyadoo shakhsiyaad dhallinyaro uu sheegay in ay malaayiin doollar ku hantiyeen.

Ka saarista qoysaska nugul ee dhulalka danta, taas oo sababtay in kumannaan qoys ay barakacaan.

Wuxuu xusay in dhulka dadweynaha ee dhawaan la qabsaday si sharci-darro ah loo iibiyay, lacagtiisuna ay jeebab gaar ah ku shubantay.

Wuxuu sheegay in in ka badan laba bilood oo wadahadallo oo ay madasha mucaaradka la lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud ay hadda burbureen.

Wuxuu caddeeyay in ciidammada dowladda ay banneynayaan fariisimahoodii oo qarkood ay dhulalka Xamar isku dagaalayaan iyadoo qaar kalana weeraradii Beledxaawo iyo Raaskaambooni loo adeegsaday, halka Al-Shabaab ay hadda ku hareereysan yihiin magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News