Muqdisho (Kaab TV) – Madaxda hay’adaha amaanka iyo saraakiisha howlgalka ciiltire oo ku shiray taliska ciidanka boliiska soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoomayey shirka Amniga iyo Xasiloonida ee Maalmaha Ciida iyo Asbuuca Xuriyada, iyada oo ay shirka Ka soo qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Saraakiil.
Sidoo shirka waxaa joogay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir. Waxaa qayb ka ahaa Saraakiisha Hoggaaminaysa Howlgalka Ciiltire ee Boliiska, Nisa iyo Polizia Militare kuwaas oo loogu talagalay Amniga Caasimada iyo daafaheeda.
Kulanka ayaa xog looga wareystay Saraakiisha Howlgalka Ciiltire, iyo Dardargalinta Amniga iyo Xasiloonida Caasimada markasta gaar ahaan inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida iyo Todobaadka Xuriyadda si Ummada soomaaliyeed ugu xafladeeyaan si nabad ah.