Garoowe (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulan ay yeesheen labada Gole ee maamulka Puntland kaas oo looga hadlaayey hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaat.
Sidoo kale, Shirkan ayaa lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawlgalka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay ciidanka geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawlgalka socday, Iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.
Dhanka kale, madxaweyne deni ayaa warbixino ka dhegaystay guddiyada ka shaqeenayey hawlgalka iyadoo qorshuhu yahay dhakhso in lagu soo afjaro inta yar ee firxadka ah ee ka hartay Argagixisada Daacish.
Madaxweynaha ayaana boggaadiyay sida goor horeba shacabkeenu u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag Ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahanyahay in dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacaba qof walbo xil gaar ah iska saaro halganka lagu jiro, “qofna yuu qof ku haleyn” wixii la xiriira sifeynta Argagixisada.
Kulanka waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Baari Shire, Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha Goleyaasha Dowladda ee ku sugan Boosaaso, Guddiga taakuleynta hawlgalka, Saraakiisha Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, la taliyeyaal Madaxweyne iyo xubno kale.