SO | EN

Shir looga hadlaayey ladagaalanka Alshabaab oo Mombasa lagu soo gabagabeeyay

|

Mombasa (KAAB TV) – Kulan socday muddo todobaad ah oo looga hadlaayay la-dagaalanka argagixisada iyo xakamaynta farriimaha gurracan oo ay soo agaasintay Urur-Gobolleedka IGAD ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyo ku Xigeenka Xoghaya Guud Maxamed Cabdi Waare, oo kulankaan ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay gobolka u leedahay in la abuuro warbixinno lagu ciribtirayo Al Shsbaab iyo fikiradaha argagaxa leh ee kooxaha argagaxisada ah ay gaarsiiyaan bulshada.

Dhanka kale, Agaasimaha waaxda la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee IGAD Dr Simon Nyambura, oo kulanka soo xiray ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey qeybaha dhaqanka, Culimada iyo warbaahintii kasoo qeyb gashay shirkaasi.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha ay dhibaatooyinka ka wadaan kooxaha argagaxisa ah, dowladda Soomaaliya ayaana dagaal dhinacyo kala duwan ah kula jirta kooxaha argagaxisada ah ee galaaftay nolosha kumanaan qof.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News