SO | EN

SO | EN

Shir looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah oo ka furmay Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Shirwaynaha Qaran ee Maaraynta Hubka, Rasaasta iyo ka hortagga Qaraxyada Macmalka ah ee (IED).

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska amniga Qaranka, wuxuuna socon doona mudo labo cisho ah, kaasoo diiradda lagu saarayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkaan ka qeyb galay Hay’addaha amaanka ee heer fedaraal, heer dowlad goboleed iyo kuwa Caalamiga ah ee dhanka amaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiin kale oo ka hadashay shirkaan ayaa si isku mid ah u tilmaamay sida ay muhiim u tahay in dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030.

“Wasiirka ayaa caddeeyay in hirgelinta istaraatiijiyadda maaraynta hubka iyo rasaasta (WAM) 2025–2030 aysan ahayn doorasho, balse ay tahay waajib qaran oo lagama maarmaan u ah ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka. Waxa uu bogaadiyay horumarka laga gaaray nidaamka dhijitaalka ah ee diiwaangelinta hubka iyo calaamadeynta rasaasta, isagoo sidoo kale mahadnaq u jeediyay hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibada ah ee taageeray dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga” ayaa yiri  qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya .

Dhamaan masuuliyiinta heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa si wadajir ah isugu raacay in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo.

Gabagabadii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in si buuxda uga go’an tahay fulinta isbeddelada shaqo iyo dhaqan oo ay u baahan tahay istaraatiijiyadan iyo si dhow ula shaqaynta Laanta La-Socodka Hubka iyo Rasaasta (CMD), ee Xafiiska Amniga Qaranka (XAQ), iyo saaxiibada caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News