SO | EN

SO | EN

Shir Xasaasi ah oo laga yeeshay ammaanka Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JFS, Maxamed Shiikh Cali Doodishe, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed Kaniif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga,  Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahadi iyo Saraakiisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo sugida Amniga iyo xasiloonidda caasimadda iyo nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta wasaaradda amniga gudaha JFS.

Inta uu kulanka socday ayaa laga xog wareystay saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka Ciiltire sidii loo adkeen lahaa ammaanka caasimadda, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.

Wasiirka ayaana ku boggaadiyay ciidamada shaqada adag ay hayaan, waxa uu kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan amniga caasimadda inta lagu gudajiro maalmaha xuriyadda iyo ciidul Adxaa.

Ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee loogu magac daray Ciiltire ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay ammaanka magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News