SO | EN

SO | EN

Shirar dowladii hore ka joojisay dibadda oo hadda ka dhacaya Kenya

|

Nairobi (KAAB ) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay ka qayb galayaan xubno ka tirsan Dowladda.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF waxaana ku sugan wasiirada maaliyada iyo qorshaynta xukuumadda Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan Shirka ayaa waxa kamid ah Sare u qaadidda dakhliga dowladda iyo Horumarinta Maamul Wanaagga Nidaamka Maaliyadda dalka sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan gaba – gabadiisa ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim ah sida ay sheegayaan dhinacyada ka qayb – galaya  waxaan madaxa IMF diirada ay saari doontaa hanaanka maaliyada Soomaaliya.

Ka sakow shirkan ka dhacaya magaalada Nairobi ayaa haddana waxaa dad badan ay sheegayaan in dowladdii hore ay ku guulaystay in shirarkan sidan oo kale ay ka dhacaan – gudaha dalka.

Magaalada Nairobi oo saldhig u ah inta badan Hay’adaha kaalmeeya Soomaaliya ayaa halkaas waxay ku qabatay , shirar dhawr ah tan iyo markii dib loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News