Muqdisho (KAAB ) Wakiil gaar ah ee xoghayahaa Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tegtey Puntland, gaar ahaan magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa marwo Catriona Laing ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Wakiilka Xogyahaya Qaramada Arrimaha Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Puntland sida wanaagsan ee ay u qabteen doorashada qof iyo cod ee Golayaasha deegaanka oo ahayd talaabo ku dayasho mudan.
” Doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan ka dhacay Puntland, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay” ayay labada dhinac ka wada-hadleen sida ku xusan qoraalka UNSOM.
Catriona Laing ayaa xustay in talabadaas bilow wanaagsan ay u tahay geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya iyo dhismaha dimuqraadiyada waxayna ka hamblayaysay doorashada.
“Tani waa horumar weyn oo laga gaaray horumarka dhanka dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujineysaa in horumar laga gaari karo qaybaha kale ee Soomaaliya ‘’
Waa maamul goboleedkii labaad oo ay booqaneyso haweeneydaan oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay dowlad goboleedka HirShabelle.