SO | EN

SO | EN

Shirka aayo ka tashiga SSC oo ka furmay Laascaanood

|

LAASCAANOOD (Kaab TV) Waxaa maanta magaalada Laascaanood ka furmay shir ay ka qeybgalayaan dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee deegaanada gobolka Sool loogana tashanayo aayaha deegaankaasi.

Shirweynahan oo ay ku dhawaaqeen odayaasha dhaqanka beelaha Sool ayaa daba jooga kacdoonkii bishii December 2022 ka bilawday magaalada Laascaanood kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux ka dib markii ciidanka Somaliland ay rasaas u adeegsadeen shacab bannaanbaxyo ka dhigayey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirkan ayaa qorshihiisu yimid ka dib rabshado weli socda oo ka dhacay magaalada Laascaanood kuwaasoo ka danbeeyay dilal loo geystay haldoorka gobolka Sool oo ay dadweynuhu ka caroodeen. Ciidamada Somaliland ayaa kadibna rasaas u adeegsaday dadweyne mudaharaadyo xiriir ah ka dhigayey magaalada Laascaanood taasoo dhalisay dhimasho in ka badan 20 ruux iyo dhaawac tiro badan.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo ka mid ah madax dhaqamadeedka ugu caansan ee shirkan abaabulay, ayaa furitaanka shirkan ka sheegay inuu isagu dhigay gogosha uuna uga gol leeyahay in dadka deegaanka reer Sool ay iska wareystaan aayahooda.

Garaadka guud ee dhulbahante, Garaad Jaamac Garaad Cali oo shirka jooga.

“Gogosha annaa dhigay laakiin taladu wey inoo wada taallaa oo ninna gaar uma laha waayo wadada la marayo ayaa adag. Abwaan Cali Dhuuxna wuxuu yidhi ‘waxaan uubateeyoba tolkay oodda soo jebiye’ maanta waad dhan tihiin sow maaha,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Aayaha deegaanadda Sool, Sanaag iyo Ceyn

Guddoomiyaha guddi loo xilsaaray aayo ka talinta deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC), Sheekh Maxamuud Salaad ayaa tilmaamay in si loo gaaro talo fiican oo lagu noolaado 100 ka sano ee soo socota darteed shirkan loo baaqay.
“Haddana taladani meel xun dhigi maynee nagu kalsoonnaada,” ayuu hadalkiisii sii raaciyay Sheekh Maxamuud Salaad.
Madax dhaqamadeedka kale ee shirka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali oo dhowaan ugu baaqay maamulka Somaliland inay ciidamadooda kala baxaan gobolka Sool isagoo sheegay in “Dhulbahante deegaankiisa aanay ka talin doonin beesha Isaaq”.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo gurigiisa shirka lagu qabanayo.

Siday Somaliland u aragtaa shirka?

Maamulka Somaliland weli kama hadlin shirka maanta ka furmay Laascaanood. Balse, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo horey uga hadlay arrinta kacsan ee gobolka Sool ayaa sheegay inay wada hadal la geli doonaan dhaqanka Dhulbahante oo iyagu dalbanaya inay gooni ka noqdaan maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadineysay aqoonsi ka gaar ah Soomaaliya balse illaa hadda kuma aysan guuleysan in xitaa hal dal oo adduunka ka mid ah uu aqoonsado.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News