Shirka Haweenka Puntland ee ka socda magaalada Garoowe ayaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo la xiriira doorka haweenka ee hoggaaminta, ka qeybgalka siyaasadda iyo ka mid noqoshada hay’adaha dowliga ah ee Puntland.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah waxaa shalay si rasmi ah u furay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in haweenka loo abuuro fursado ay kaga qeyb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada.
Kaab TV ayaa la hadashay qaar ka mid ah haweenka ka qeyb galaya shirka, kuwaas oo ka hadlay caqabadaha horyaalla haweenka, rajada ay ka qabaan shirka iyo talooyinka ay u arkaan inay kor u qaadi karaan kaalinta haweenka ee siyaasadda iyo maamulka Puntland.

