SO | EN

SO | EN

Shirka Mucaaradka Dowladda oo ka furmay magaalada Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Shirka Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda ayaa ka furmay magaalada Muqdisho waxaana shir Guddoominayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana diirada lagu saaraya arrimaha Siyaasadda dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo furay Shirka ayaa sheegay in shirkaan looga hadlaayo mustaqbalka Soomaaliya, waxa uu xusay inta maanta shirka ku shirsan ay yihiin kuwa kooban balse ay talada jiheeysta siyaasadda ay wax ka bilaabi doonaan.

Waxa uu Khudbadiisa kusoo hadal qaaday Doorashada Qof iyo Cod ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in wax wanaagsan ay tahay balse ay muhiim ay tahay in ay ku timaado wax la isla ogol yahay iyadoo la ixtiraamayo Dastuurka dalka u degsan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid Soomaaliyeed iyo badbaadada Shacabka, ayna ku doonayaan inay ku saxaan Dowladdda Soomaaliya, waxaana shacabka Soomaaliyeed uu sheegay in waligiisi uu ka taagnaa doorasho nidaamka qof iyo codka balse loo baahan yahay waajibaadka loo mari lahaa uunoqdo midkii saxsanaa.

Shirkaan waxaa la filayaa inay kasoo baxaan war murtiyeed ay mucaaradka uga hadli doonaan arrimo badan oo siyasadda, amaanka iyo Doorashooyinka quseeya iyagoona iska dhex dooran doona cidda rasmiga ah ee Mucaaradka hogaamin doonto, waxaana si weyn maanta uga soo dhex muuqday, Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal sidoo kale waxaa jira xildhibaano hadda ku jira Golaha Shacabka iyo wasiiro hore.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News