SO | EN

SO | EN

Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo laga soo saaray qoddobo xasaasi ah

|

Muqdisho (KAAB TV) – Shirka toddobaadlaha ee golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa looga hadlay qodobo badan xasaasi ah, sida uu Warbaahinta u aqriyay Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Sidoo kale, qoddobada kasoo baxay shirka golaha Wasiiradda, ayaa waxaa kamid ah in dhamaan madaxda katirsan hay’adda ammniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax hub iyo gadiidba aysan lagali karin gudaha garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde, sababo laxiriira weeraro laga cabsi qabo in ay ka dhacaan gudaha garoonka, sida ay goor sii horeysay ay shaacisay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Dhanka kale, qoddobada shirka kasoo baxaya waxaa kamid ah, dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegsada baraha bulshada iyo Warbaahintaba aysan adeegsan karin ama ku qori karin barahooda bulshada, warar been abuur ah, laguna marin habaabinaayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo cidii intaas lagu helaa lala tiigsan doono sharciga maxkamadna lasoo taagi doono sida uu hadalka udhiga Wasiir Daa’uud Aweys.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News