SO | EN

SO | EN

Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shaqada

|

Muqdisho (KAAB) – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayey R/Wasaare Xamze Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.

Dhanka kale, Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.

Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.

Kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyay warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News