MOGADISHU (KAAB TV) –Kulanka u dhaxeeya Madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa berri ka furmaya Magaalada New York ee Dalka Maraykanka,
Meertadaan oo ah tii 80aad waxaa looga hadlayaa qodobo isku sidkan oo doodo la xiriira qodobadaas ay isaga hor imaan doonnaan mas’uuliin kala duwan.
Shirkaan ayaa xooggiisa soconaya 22ka ilaa 27ka September iyada oo lasoo xiri doonno 29ka Bishaan, maalin weliba waxaa miiska lasoo saari doonnaa qodobo horay loo diyaariyay oo dood adag ay ka yeelanayaan madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee madasha ku sugan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay Magaalada New York si uu uga qaybgalo shirkaan Qaramada Midoobay, waxa uu jeedin doonnaa khudbad uu uga hadlayo Dalka.
Madaxda Dalalka ku midoobay Golahaan ayaa diiradda saaraya Isbaddelka ka dhashay Cimillada ee dunida saamaynta taban ku reebay sidii looga hortagi lahaa, waxa ay ka doodi doonaan dhabbaha lagu gaarayo xalka waara si loo xakameeyo dhibaatooyinka ka dhalan kara

