SO | EN

SO | EN

Shirqool lagu dilay Taliyihii Ururka 2-aad Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugnaa Shabeellaha Dhexe

|

WARSHEEKH (KAAB TV) – Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Iska hor imaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, soo gaaray ciidanka wada dagaalamay oo iskugu jira ciidan iyo saraakiil.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxay si lama filaan ah, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo isaga horyimid duleedka deegaankaasi.

Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa Taliyihii Ururka 2-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa la soo werinayaa inuu ka mid noqday askarta lagu dilay dagaalkan, isagoo hoggaaminayay ciidan ka baxay xerada Maslax ee duleeda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta ay geeriyootay ay gaarayaan illaa afar, halka ay dhaawacmeen 5 kale oo ah dhinacyada dagaalamay.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ayaa sheegay inay fahmi la’ yihiin rasaasta sida kediska ku bilaabatay, iyo toogashada u muuqatay mid qorsheysan ee lagu beegsaday Kabtan Maxamed Axmed Abshir.

Meydka ayaa lagu wadaa in la aaso saacadaha soo socda. Balse saraakiisha qaar ayaa dalbanaya baaritaan in lagu sameeyo dhacdadan ka dhacday Masaajid Cali Guduud.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News