SO | EN

SO | EN

Siciid Deni oo eedeyn culus ujeediyay DF oo laxiriirta Laascaanood

|

Garoowe (Kaab TV) -Madaxweynaha Puntland Sciiid Deni ayaa weerar culus oo afka ah kuqaaday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay gabtay masuuliyadii ka saarneyd colaada kataagan Laascaanood, taasi oo qaadatay muddo kabadan saddex bilood.

Siciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in aysan kudhaqmin kaalintii laga rabay dowlada Soomaaliya ayadoo uu dhiig uu kudaadanaayo ayna rabto in ay wadahadal lafurto Soomaaliland oo ay umagacaawday egey gaar ah.

Ma,ahan in ay wadahadal lafurto ayadoo oo uu dhiig kudaadanaayo Laascaanod waana gardaro garab og in Soomaaliland loomagacaabo ergey gaar ah waa arrin gaf ah ayuu yiri Siciid Deni.

Asagoona si adag ugu horyimid talaabada ay dowlada federaalka ay u qaaday dhanka wadahadallada Soomaaliland xili uu dagaal adag kasocdo Laascaanood.

Diyaar ayaan unahay in aan kaqeeb qaadano difaaca qaddiyada reer SSC ay kutaaganyihiin midnimada Soomaaliyeed ugana horyimaadeen gooni isu-taaga Soomaaliland oo ay kudoodeysay in kabadan 30-sano.

Puntland ayaa horey uga timaaday magacaabista ergey Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horaantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan sheekh taasoo ay iyaduna dhankeeda soo dhaweysay Xukuumada Soomaalilan oo ay kutilmaantay in uu yahay nin wax badan kala socdo wadahadalada dowlada federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Siciid Deni ayaa magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed kutilmaamay waqti lumis aan waxbo kusoo kordhin doonin xaalada taagan.

wuxuuna cadeeyay in maalmulkiisu taageersanyahay mowqifka SSC, ayna qeeb ka noqonayaan dagaalka SSC ay kula jirto Soomaaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News