SO | EN

SO | EN

Siciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland hirgilineyso hay’adda ka hortaga lacag dhaqista

|

Garoowe (KAAB TV) – Dowladda Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqday in ay markii u horraysay dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering).

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Boosaaso kula shiray ganacsatada gobolka Bari ayaa u sheegay in maamulkiisa dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah oo ay caan ku yihiin rrgagixisada ISIS.

“Waxaa dhowaan la hirgalin doonaa hay’ad ka hortagta dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah” ayuu yiri madaxweyne Deni oo la hadlayay Ganacsatada Gobolka Bari, waxaana uu intaasi ku daray in kooxaha Argagixisada ah adeegsadaan hannaanka dhaqidda Lacagaha Sharci-darrada ah.

Sikastaba, Madaxweynaha Deni ayaa ganacsatada gobolka Bari u sheegay in laga guulaystay argagixisadii ISIS ee dhibaatada xooggan ku haysay ganacsatada Boosaaso, islamarkaana ka qaadi jirtay lacaga baadda ah, oo ay ku sheegaan Sakawaadka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News