Garoowe (Kaab TV) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka hadashay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Saciid Deni oo qudbad ka jeediyay baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaqa kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan in Somaailand ey ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku hanjabay haddii ay Somaliland ka dhaga adeegto baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo.
“Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi uu ka dhega adeego baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu yiri Siciid Deni.
Hadalkana ayaa daba socda go’aankii Golalaha Ammaanka ee QM oo dhawaan ku baaqday in ciidamad Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, kuna bogaadisay dhammaan dhinacyada in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo joojiyo.
Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sidoo kale dhamaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay xeerka caalamiga bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya.
Waxay sidoo kale dhammaan dhinacyada ku bogaadiyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.