SO | EN

SO | EN

Siciid Deni”Madashu maaha Hay’add ama golle Dastuuri oo lagu gooyo go’aano masiiri ah ee dalku waa Federaal”

|

Garoowe (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah uu uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda dalka iyo tan Puntland khuseeysa.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa khudbada uu jeediyay ku weeraray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ugu sareysa , waxa uuna kahor yimid heshiisyadii ay gaareen madaxda golaha Wadatashiga Qaran ee Puntland ka maqneyd.

Waxa uu sheegay madaxweyne Deni in heshiiskii madasha wadatashiga Qaranka gaareen uu muujiyey sida ay madaxda Soomaaliya halis ugu horseedayaan dalka, kana tagayaan nidaamka Faderaalka ee heshiiska lagu ahaa.

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax ka bedelka Dastuurka sida khaldan lagu wado ay dhali karto halis weyn, waxa uuna si cad u diiday abuurida madaxweyne Kuxigeenka, lana tir tiro jagada ra’isul wasaaraha oo ah awoodda labaad ee dalka.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha Puntland kahor yimid in la dhiso kaliya labo xisbi siyaasadeed, isagoona dhammaan arrimahaas ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan sharci darro ah ayna go’aan ka gaari karin dad tiro yar.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in danaha shaqsiga ah aan laga eegin xaalka Soomaaliya & go’aanada la qaadanayo, haddii layska saxiixo heshiisyo ayuu sheegay in ay dalka halis u horseedayaan.

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin & dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu yiri Siciid Deni.

Ugudambeyntii, hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu wali jiro khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kan Puntland, waxa ayna Puntland ka maqneyd shirarkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga oo go”aano laga soo saaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News