SO | EN

SO | EN

Sida Al-Shabaab u ogolaadeen amniga Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ee argagixisada ayaa sameeyay isbeddelo ay dadka ku dhexgalayaan, isla markaana wax kaga bedeleen macaamilka ay la leeyihiin qabiilada Soomaalida – gaar ahaan kuwa Koonfurta iyo Bartamaha.

Isbeddelkan ayaa bilawday wixii ka dambeeyay hawlgalladii militari ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee sanadihii 2022 iyo 2023 ka curtay gobollada dhexe.

Tan iyo wixii ka dambeeyay hawlgalladaas ciidan, oo hadda fashil ku soo dhammaaday, waxay hoggaanka kooxda Al-Shabaab bilaabeen qorshe cusub oo ay kula heshiinayaan badi qabiiladii ka qeybqaatay hawlgalladii Macawisleyda.

Meelaha ay Al-Shabaab ka fuliyeen heshiisyadaas waxaa ka mid ah gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud oo udub dhexaad u ahaa kacdoonkii Macawisleyda ee sannadihii 2022 iyo 2023.

Isballaarinta Al-Shabaab ee duleedyada Muqdisho

Heshiisyada Al-Shababaab la gaareen qabiilada waxaa ugu muhimsanaa midkii beelaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee bishii Maarso 2025, kaas oo ay Al-Shabaab odayaasha beelaaha u ogolaadeen door ah inay damiinan karaan dadka ay Al-Shabaab ay soo qabtaan, iyo in hubka laga iibiyo maleeshiyaadka Macawisleyda ee dhanka dowladda hub kala goosta.

Waxay kaloo Al-Shabaab ogolaadeen isu socodka jidadka gobollada dalka badankood, sida Baay, Bakool, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe oo magaalooyin badan ay horey kooxda mintidka ugu soo rogeen xayiraad socodka dadka iyo gaadiidka badeecadaha ganacsiga.

Nabadoon Cabdi Duugane oo ka hadlay geel ay beeshiisu ku wareeejisay Al-Shabaab bishii Maarso 2025.
Nabadoon Cabdi Duugane oo ka hadlay geel ay beeshiisu ku wareeejisay Al-Shabaab bishii Maarso 2025.

Tusaale magaalooyinka Diinsoor, Xudur iyo Waajid oo in ka badan siddeed sano ay Al-Shabaab xayiraad ku haayeen waxaa hadda isu furan gaadiidka badeecadaha ganacsiga sida ee ka baxaya Baydhabo.

Dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan waxay deegaanadii ay qabsadeen Al-Shabaab dadka ka qafiifiyeen xayiraadihii qalafsanaa sida adeegsiga telefoonada gacanta ee leh internetka, iyagoo sidoo kale joojiyay isgaarsiinta telefoonka oo ay horey Al-Shabaab u demin jireen.

Marka ay kooxdu heshiisyadan la bilawday qabaa’ilka waa ka dib markii ay qaaday hawkgallo weeraro xiriir ahaa oo ay hub iyo qalab militari kaga qabsatay ciidamada dowladda, kuwaas oo sababay jabka ciidankii dowladda iyo Macawisleydii bari-taareysay.

Dhammaan tallaabooyinkan waxay kooxda Al-Shabaab u horseedeen inay ku soo dhowaadaan magaalada Muqdisho, oo ay hadda ka soo fariisteen afarta gees ee magaalada caasimadda.

Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Ceeldheer bishii June, 2025.
Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Ceeldheer bishii June, 2025.

Dhanka xeebta, waxay Al-Shabaab toddobaadyo ka hor la wareegeen si buuxda deegaanka Jilib Marko illaa Gendershe oo ah duleedka Muqdisho ee dhanka xeebta. Halka Al-Shabaab ay sidoo kale la wareegeen duleedyada degmada Afgooye iyo Balcad.

Saraakiisha amniga xog ogaalka u ah waxay Kaab TV u sheegeen in isku cel-celis ahaan qiyaastii 200 mile oo isku wareeg ah ay hadda dowladda ka ilaalineyso amniga Muqdisho, wixii ka xageeyana ay yihiin dhul ay Al-Shabaab ka taliso.

Al-Shabaab waxay kaloo dhowaan hawlgaliyeen maxkamaddii ay kooxdu ku lahayd Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Afgooye, halkaas oo boqollaal ruux oo ka taga Muqdisho toddobaad kasta ay u xukun doontaan.

Amniga Muqdisho

Dad badan ayaa hadal hayay sida Al-Shabaab u ogolaataan amniga Muqdisho, oo dabcan ay weeraro badan ka geysan jireen balse waayadan danbe laga dareemay yaraanshiyo weeraradii qaraxyada iyo dilalka tooska ahaa ee caasimadda ka dhici jiray.

Labada weerar ee Al-Shabaab sannadkan ka fuliyeen gudaha Muqdisho waxay kala yihiin: weerarkii ay ku dili rabeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacay agagaarka madaxtooyada Villa Soomaaliya 18kii Maarso 2025, iyo weerarkii xabsiga Godka Jilicow ee dhacay 4tii Oktoobar 2025.

Labada weerar waxay ilaha sirdoonka iyo saraakiil amni ee Muqdisho ku sugan isku raacsan yihiin in Al-Shabaab ay ka caawiyeen gacmo gudaha ugu jira. Tusaale siddeed dagaalyahan ee geystay weerarkii xabsiga NISA ee Godka Jilicow ayaa afar ka mid ah waxay ahaayeen soo goostayaal horey uga soo baxay kooxda Al-Shabaab kuwaas oo ku biiray ciidanka hay’adda nabadsugidda ee NISA.

Weerarkii Godka Jilicow: 4 Oktoobar 2025.
Weerarkii Godka Jilicow: 4 Oktoobar 2025.

Intaas kuma koobna. Al-Shabaab waxay si weyn u dhexgaleen qabaa’ilka Muqdisho, iyo hay’adaha dowladda sida kuwa amniga, maamullada degmooyinka, iyo xarumaha muhiimka ah. Waxay kaloo Al-Shabaab dib u soo celiyeen lacagtii zakawatka ee ay ka heli jireen ganacsatada iyo suuqyada Muqdisho taas oo ganacsatada ay kooxda uga bedelato inay siiso dammaanad amni.

Dhammaan arrimahan ayaa fududeynaya in Al-Shabaab ay yareeyaan, ama dib uga joogsadaan weerarada ay ka fulin jireen gudaha Muqdisho, oo intooda badan ku wajahnaa xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsiga. Waxaana ilaha amniga ay aaminsan yihiin in marba haddii dhaqaalihii ay doonayeen ay heleen, isla markaana ay saameyn ku leeyihiin badi xarumaha dowladda, inaanay jirin sabab ay weeraro tiro beel ah uga fuliyaan Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa taagan labo su’aal oo muhiim ah: Al-Shabaab ma waxay isu diyaarinayaan inay si tartiib ah ula wareegaan maamulka dowladda oo dhan, oo waxay diyaarinayaan qorshe ay ku noqon doonaan dowladda soo socota ee Muqdisho?

Sidoo kale su’aasha kale ayaa ah illaa intee ayay sii jiri doontaa degannaanshaha ay Al-Shabaab raaliga ka yihiin ee Muqdisho oo dabcan danahooda ay ka dhex arkeen?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News