LONDON (Kaab TV) – Maalintii Jimcaha, 2-da Jannaayo 2026, waxaa mareeg internet oo aan si weyn loo aqoon lagu faafiyay war sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland, ay door ka qaateen ama ay fududeeyeen aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil 26-kii Disembar 2025.
Warkaasi oo ku qornaa af-Ingiriis ayaa lagu xusay magacyada mas’uuliyiintan kala ah:
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige; Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac; Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa; iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadam, iyadoo lagu eedeeyay inay ahaayeen xubno ku lug lahaa arrintaas.
Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland.
Wax yar kaddib markii qoraalkaasi ka soo muuqday internetka, xubno ka tirsan wasiirrada Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa bilaabay inay ku faafiyaan WhatsApp qoraal af-Soomaali ah oo ah tarjumaad kooban. Qoraalkaasi wuxuu sheegayay in: “Warbixintani ay shaqsiyaadkan ku tilmaantay dadkii muhiimka ahaa ee ka shaqeeyay in Somaliland la aqoonsado, isla markaana si dhow ula socday dhammaan wada-xaajoodyadii u dhexeeyay Hargeysa iyo Tel Aviv.”

Faafinta qoraalkan — oo aan annaguba si toos ah u aragnay — waxaa lagu bixinayay lacag si loo baahiyo. Waxaa si qeybinaayey labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo qof ka tirsan Xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.
Markii aan aragnay baahinta qoraalkan, waxaan bilownay baaritaan madax-bannaan si aan u hubinno: Ma jiraa wargeys la yiraahdo Israel Mirror? Yaase iska leh? Ma yahay warbaahin la iaamini karo?
Waxaan qormadan kuugu soo gudbinayaa macluumaadkii aan ku ogaannay baaritaan ku saleysan ilaha furan ee saxaafadeed (Open-Source Journalism).
MAXAY TAHAY ISRAELMIRROR.COM?
- Dalka Israa’iil kama jiro wargeys la yiraahdo Israel Mirror. Marka internetka laga baaro, lagama helo diiwaan rasmi ah oo warbaahin ah, sida cinwaan la yaqaan, xafiis, ama lambar boosto (postal address) oo ku tusin kara jiritaanka warbaahin macageedu yahay Israel Mirror.
- Website-kani israelmirror.com ma isticmaalayo domain-ka Israa’iil (.il) sida lagu yaqaano warbaahinta fadhigewedu yahay Israa’iil, inkasta oo uu sheeganayo inuu yahay warbaahin Israa’iili ah.
- Mareegtu ma laha qayb xiriir (Contact) oo qeybta xiriirka waa maran tahay oo waxba kuma qorna. Haddii aad horey u gasho websitekan, waxaa uu kuu leexinayaa website kale oo ay leeyihiin shirkad Hindi ah kyrionmedia.com
- Kyrion Media waxaa ugu qoran website-kooda inay iyagu leeyihiin in ka badan 150 website, oo uu ku jiro israelmirror.com. Waxay kaloo sheegaan inay yihiin shirkad xayeysiin oo qormooyin PR (Public relation) faafiyaan, kuna qaadata lacag u dhexeysa $300 ilaa $750 — taasoo si cad u muujineysa in qormada la faafiyay ay ahayd qormo lacag lagu bixiyay, ee aan ahayn war saxaafadeed oo ku saleysan xaqiiqo.
- Goor dambe oo shalay [Sabti 4 Jannaayo) oo ah 24 saac ka dib markii ay qormada faafiyeen ayay isla qormadii Israelmirror.com ku jirtay ku soo dareen “afeef” sheegaysa in qoraalkan uu yahay mid lacag lagu siiyay “oo aysan caddeyn karin sheegashooyinka ku jira qormadooda”

• Website-ka Israel Mirror ma laha magacyo qorayaal ama saxafiyiin, taasoo ka hor imaaneysa hab-dhaqanka warbaahinta saxda ah, halkaas oo maqaal walba uu leeyahay qoraa la aqoonsan karo.
• Inta badan qormooyinka website-kan ku jira waa kuwa meel kale laga soo min-guuriyay (copy-paste).
GOORMA AYAA LA SAMEEYAY WEBSITE-KA?
• Waxaan baaray diiwaanka domain-ka www.israelmirror.com, waxaana ogaanay in domain-ku markii ugu horreysay hawada soo galay 2018, sida ku cad diiwaanka shirkadda GoDaddy ee bixisa adeegga martigalinta mareegaha internet-ka.
• Inkasta oo website-ku sheeganayo inuu yahay Israa’iili, haddana IP-ga internetka wuxuu ku yaallaa California, Mareykanka.
• Qaybta “xiriirka” ama “About Us”, website-ku wuxuu sheeganayaa inuu ka hawlgalo America, Europe, Asia, and Australia, balse marna ma xuso Israa’iil — taasoo mar kale caddeyneysa in sheegashada ah “warbaahin Israa’iil laga leeyahay” ay tahay been abuur cad.
BAARITAANKA QORMADA LA FAAFIYAY
• Kadib waxaan baaritaan ku sameynay qormada lafteeda, waxaana si 100% ah u xaqiijinay in qormada ay diyaarisay mashiin AI ah, sida ay muujisay baaritaanka lagu sameeyay madal furan oo lagu magacaabo Justdone.com.
• Qormada oo loo ekaysiiyay sheeko war ah waxay ka buuxdaa khaladaad naxwe, eray-isticmaal, iyo xog sugnaan la’aan, taasoo astaan u ah qoraallo badan oo ay soo saarto AI.

• Tusaale ahaan, hordhaca qormada ayaa sidan u qornaa: “HARGEISA, SOMALILAND — Waddooyinka Hargeysa ayaa noqday bad buluug, caddaan, iyo cagaar ah, iyadoo kumanaan qof oo reer Somaliland ah isugu soo baxay si ay u dabaaldegaan xilli saddex sanood la sugayay. Ka dib markii Israa’iil ay go’aan taariikhi ah ka gaartay inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland sidii dal madax-bannaan, jawiga caasimadda waxaa ka muuqda farxad iyo guul la dareemi karo.”
Halkan jumladda waxay u hadlaysaa sida in Hargeysa tahay magaalo xeebeed bad leh. Mana aha oo Hargeysa, caasimadda Somaliland waa magaalo waddanka gudihiisa jirta oo aan bad lahayn. Sidaa awgeed ku halqabsiga “bad buluug ah” waa jabnaan iyo naxli ka iman kara mashinka AI-da.
• Khalad kale oo weyn ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, lagu tilmaamay ra’iisul wasaare ku-xigeen hore, inkasta oo uu xilka hayo waqtigan — taasoo ah qalad inta badan ka yimaada qoraallada ay diyaariyaan AI-da.

• Guud ahaan, qormadu ma lahayn wax tixraac (references) ah, mana jirin caddeyn lagu xoojinayo eedeymaha culus ee lagu sheegay in mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay fududeeyeen aqoonsiga Somaliland. Lama sheegin cidda bixisay xogta, halka ay ka timid, ama sida loo xaqiijiyay.
Qormada la faafiyay waa mid been-abuur ah, lacag lagu bixiyay, AI-na diyaarisay, laguna faafiyay si ula kac ah, iyadoo loo adeegsanayo shakhsiyaad xilal sare haya, taasoo halis ku ah xaqiiqada, wacyiga bulshada, iyo kalsoonida warbaahinta.

