Singapore oo fasaxday in dadka ay cunaan 16 nooc oo cayayaan ah

|

Singapore (KAAB TV) – Singapore ayaa ogolaatay 16 nooc oo cayayaan ah in ay noqdaan cunto bini’aadamka ay cuni karaan, iyada oo ay sii kordheyso cunista noocyada cayayaanka ee dalkaasi.

Si tartiib tartiib ah, dadka waxaa u muuqdaan in ay xiiseynayaan cunista cayayaanka.

Ayaxa, shan nooc oo dixriga (tixri) ah, iyo xataa nooc ka mid ah shinnida ayaa ka mid ah cayayaanka la ogolaaday in la cuno, kadib go’aan ay soo saartay Hay’adda Cuntada ee Dalka Singapore.

Hay’adda Cuntada ee Singapore ayaa sidoo kale ogolaatay in dalka oo soo dhoofiyo baasto, shukulaatada, iyo buskudka laga sameeyay dhacaanka cayayaanka.

Mid ka mid ah maqaaxiyaha waaweyn – House of Seafood – ayaa durba ku dartay 30 nooc oo cayayaan ah liiska cuntooyinka laga cuno maqaayadda.  Waxaana ku jira bariiska sushi loo yaqaano oo korkiisa lagu sharraxay dufanka dixirigada.

Ayaxa, shan nooc oo dixriga (tixri) ah, iyo xataa nooc ka mid ah shinnida ayaa ka mid ah cayayaanka la ogolaaday in la cuno
Ayaxa, shan nooc oo dixriga (tixri) ah, iyo xataa nooc ka mid ah shinnida ayaa ka mid ah cayayaanka la ogolaaday in la cuno.

Waxaa sidoo kale maqaayaddan ay iibisaa baasto lagu goosaaray baranbaro.

Dadka qaar ayaa u arka go’aankan mid looga hortagayo cunto yaridda ka jirta adduunka, iyadoo uu ciriiri ka jiro helitaanka cunto leh borotiin.

khubaro ka faaloota isbeddelka cimillada ayaa sheegaya in cayayaanka uu ka dhib yar yahay marka loo eego lo’da iyo digaagga oo si weyn hilibkooda looga cunto adduunyada, kuwaasoo waqti badan ay qaadato in la gowraco iyo in la nadiifiyo haraadiga wasakhda ka hara maqaarka xayawaanka oo saameyn ku yeesha deegaanka.

Waddamada Yurub ayaa iyaguna bilaabay inay ku baaqaan in dadkooda loo fasaxo cunista cayayaanka, iyadoo urur ka faalooda cunista hilibka cayayaanka ee UK uu shaaciyay in halka 80% hilibka cayayaanka la cuni karo in lo’da – tusaale ahaan – kaliya ay leedahay illaa 40% qeyb ahaan mugga jirkeeda ee laga heli karo wax la cuno, halka digaagga laga heli karo hilib mugga jirkiisa gaarsiisan 55%.

Soomaalida, waxaa dood badan ay ka taagan tahay cunista ayaxa (kabajaanka) oo dhowaan la arkay in dad ku sugan gobollada dhexe ay cunto ahaan u isticmaaleen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News