UK (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa rajo xumo ka muujiyay in lasii daayo Maxaabiista Xamaas ay ka heysato Israa’iil kaddib markii dhiggiisa Benjamin Netanyahu uu qaaday tallaabo sii fogeyneysa xaaladda taagan.
Sidoo kale, Keir ayaa sheegay in tallaabooyinka uu sameynayo Netanyahu sida colaadda ka dhanka ah Gaza ay yihiin kuwo aan wax fiican soo kordhineyn marka laga reebo in la heystayaasha gacanta Xamaas ku jira oo xaaladda kusii adkaan doonto.
Dhanka kale, meel fog ayuu ka istaagay go’aanka Wasiirrada Dagaalka Israa’iil ay ku ansixiyeen qorshaha cusub ee Netanyahu ee ah in duullaan horleh oo guud ahaan Magaalada Gaza ay ku qabsanayaan in ay qaadaan sida ay hadalka u dhigeen.
Sikastaba, hadalkaas ayuu ku tilmaamay mid aan si ka fiirsi ah loo qaadin, “Tallaabadan waxba kama tari doonto soo afjarida khilaafkan isla markaana gacan kama geysan doonto sii deynta la haystayaasha, waxay horseedi doonta oo keliya dhiig hor leh oo daata.” ayuu yiri RW UK Sir Keir Starmer.

