Sirdoonka Kenya oo xiray ka dibna musaafuriyay Abshir Bukhaari

|

Sirdoonka dalka Kenya ayaa maanta oo Axad ah qabtay ka dibna dalkooda ka musaafuriyay Abshir Maxamed Axmed oo loo yaqaano “Abshir Bukhaari” sababo lagu soo koobay tuhun maalgalin argagixisanimo.

Abshir Bukhaari oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku safraayay baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya, hase yeeshee ilo hay’adaha amaanka ayaa Kaab TV u sheegay inuu sidoo kale haysto baasaboorka dalka Kenya, oo la tuhunsan yahay inuu sifo sharci darro ah ku heley.

Ilaha oo aan dooneynin inaan magacyadooda u adeegsano warbixintan ayaa sheegay in Abshir Bukhaari oo la socday diyaarad ka timid Muqdisho, isagoo sidoo kale watay lacag caddaan ah oo boorso ku jirtay taasoo cadadkeeda aan la sheegin.

Su’aalo ay weydiiyeen qeybta socdaalka iyo saraakiil ka tirsan waaxda la dagaallanka argagixisada ayaa ka dib waxaa loo tarxiilay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amaanka ayaa rumeysan in lacagahan, iyo raad hore oo ay ku daba jireen ay suuragal tahay in loo adeegsan karo maalgalin argagixiso iyo lacag dhaqid.

Kooxaha argagixisada ayay Kenya sheegtay inay lacago badan soo galiyaan Kenya, kuwaas oo qaarkood lagu maalgaliyo guryo iyo ganacsiyo aan sharci ahayn balse ujeedkoodu yahay in lagu raadtiro asalka lacagta ka timid argagixisada ama sifo sharci darro ah.

Waa mas’uulkii labaad ee ka tirsan xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud oo laga musaafuriyo Kenya.

Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii ay waaxda socdaalka Kenya sheegtay inay dalkeeda ka musaafurisay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo dalka Kenya kugalay baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya hase yeeshee lagu heley baasaboor kale oo Kenyaan ah oo la aaminsan yahay inuu ahaa “been abuur”.

DHEERAAD:  Somali president under fire as officials reveal unaccounted USD 400,000

Jibriil ayaa habeen ku xirnaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ka hor intii aan dib loogu celin Muqdisho Jimcihii 26 June 2026.

Dowladda Kenya ayaa dhowaanahan wadday ol’ole ka dhan ah dukumintiyada been abuurka gaar ahaan baasaboorka Kenya oo dowladdu sheegtay inay dad badani si sharci darro ah ku qaateen kuwaasoo Soomaali u badan.

Warbaahinta Kenya ayaa sidoo kale baahisay caddeymo dad la aaminsan yahay inaysan u dhalan Kenya balse ay si sharci darro ah ku heleen baasaboorka dalka Kenya.

Abshir Bukhaari kama jawaabin eedeymahan.

Sidoo kale, xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin musaafurinta Abshir Bukhaari iyo kiiska Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Jibriil ee dalka Kenya laga soo musaafuriyay bishii hore.

Talaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya gashay cakirnaab siyaasadeed ka dib markuu dhammaaday waqtiga hay’adaha Dowladda Federaalka oo ku ekaa 15 May 2026 iyadoo rabshado hubeysan oo ka qarxay caasimadda horraantii June ay sababeen dhimasho dhaawac, iyo barakac.

Ilaha amaanka Kenya waxay kaloo rumeysan yihiin in xubno siyaasiyiin ah oo ka yimaada Soomaaliya ay kug leeyihiin abaabulka maleeshiyooyin hubeysan iyo hurinta colaada laga abaabulayo deegaano xuduudda Kenya ah taasoo amni darro u keeni karta shacabka Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News