LONDON (KAAB TV) – Hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa ka digtay waxay ku tilmaantay khatar weyn oo joogto ah oo ka imaaneysa Ruushka iyo Iiraan, taas oo halis ku ah ammaanka dadweynaha Britain iyo Yurub.
Agaasimaha MI5, Ken McCallum oo jeedinaya warbixintiisii sanadlaha ahayd ee ku saabsan khataraha amniga ee UK wajahdo, ayaa sheegay in wakiillada sirdoonka dibadda ee Ruushka ee GRU ay sameeyeen “gubid, kharibaad iyo falal khatar ah oo lagu dhaqaaqay iyadoo sii kordhaysa halis gudaha Britain kadib markii UK ay taageertay Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka.”
MI5 waxay sheegtay in ka hortagtay 20 shirqool oo Iiraan ka dambeeysay tan iyo 2022.
Labada halis ee ugu weyn ee hadda UK ay wajahayso ayaa ah weeraro ay geysan karaan kooxaha xagjirnimada Islaamiga ah iyo argagaxisada midigta fog ee caddaanka.
Shaqada ka hortagga argagixisada ayaa wali u qaybsan “75% xagjirnimada Islaamiga ah, 25% argagaxisada midigta fog.”
Heerka khataraha ee UK
Heerka hadda ee khatarta argagixisada ee UK waa mid sare, taasoo ka dhigan in weerar uu dhici karo.
In ka badan 750 diplomaasi Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii uu bilawday duullaanka Ruushka ee Ukraine.
“Inta badan waxay ahaayeen basaasiin,” ayuu yiri McCallum.
Arrintani waxay wiiqday awoodda sirdoonka Ruushka, wuxuuna intaas ku daray in fiisooyinkii diblomaasiyadeed loo diiday kuwa ay Britain iyo xulafadoodu u arkeen basaasiinta Ruushka.
Hawl-wadeenada dowladda Ruushka ayaa u wareegay adeegsiga dhinacyada kale sida hawl-wadeennada gaarka ah ee sirdoonka iyo dambiilayaasha, si ay u fuliyaan “shaqadooda wasakhda ah.”
Balse MI5 ayaa sheegtay in arrintani ay saamaysay xirfaddda sirdoonka Ruushka, taasoo ka dhigtay mid sahlan in la qabto markasta oo ay wax abaabulaan.
Inkastoo McCallum uu horey uga hadlay khataraha Ruushka iyo Iiraan, haddana weli ma uusan eedeyn Moscow si cad oo noocan oo kale ah.
Khudbaddiisii hore ee uu dadweynaha u jeediyay wuxuu ka hadlay 10 shirqool oo ka dhan ahaa dadka Iiraaniyiinta ah ee ku sugan UK. Tiradaas ayaa haatan laban laabantay, taasoo muujinaysa in howlgallada sirdoonka Iiraan ay kordheen gudaha dalka Ingiriiska.
Wuxuu sheegay in dilkii Mahsa Amini – gabadhii 22 jirka ahayd ee ku dhimatay gacanta booliska Iiraan – “tan iyo markaas waxay UK aragtay shirqoollo badan oo ay Iiraan ka fulin rabtay gudaha UK.
Wuxuu intaas ku daray, maadaama dagaalka Bariga Dhexe uu sii socdo, in MI5 ay si buuxda diiradda u saari doonto khatarta weerarrada Iiraan ee ku wajahan UK.
MI5 waxay sheegtay in Shiinaha uu sameeyay barnaamij sixatooyo ah oo uu ku xado xog iyo macluumaad. UK ayaa diiwaangalisay 20,000 oo isku day qarsoodi ah oo sirdoonka Shiinaha ku doonayay inuu ku xado macluumaad gudaha dalka Ingiriiska.