SO | EN

SO | EN

Sirdoonka Somaliland oo qabtay Taliyihii Ciidanka Gorgor Xasan Ciraaqi

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Sirdoonka Somaliland ayaa qabtay Gashaanle Dhexe Xasan Aadan Ciraaqi oo ahaa taliyaha guutada 18aad ee Ciidanka Gorgor ee Soomaaliya, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku weeraray deegaanka Raaskaambooni ee Jubaland bishii December 2024, ayaa la xaqiijiyay inuu ka baxay Jigjiga uuna ku sii jeeday Wajaale oo ah magaalo ku taalla soohdinta Somaliland iyo Itoobiya.

Sirdoonka Somaliland ayaa la sheegay inay ka qabteen Wajaale, ka dibna ay usoo dhaadhiciyeen dhanka magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Xasan Ciraaqi wuxuu ahaa taliyihii ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Raaskaambooni, halkaas oo ciidamada Jubaland ay kaga awood roonaadeen ka dibna Ciraaqi iyo ciidankiisu waxay baxsad ku galeen dalka Kenya.

Sawirro ay faafiyeen baraha bulshada ee ciidamada Kenya ayaa lagu arkay ciidanka Soomaaliya oo ka koobnaa militariga Gorgor iyo booliska Haramcad oo ay Turkidu tababareen oo gacmaha sare u taagay ka dibna iska dhiibay Kenya.

Kenya waxay sheegtay in in ka badan 1,250 askar Soomaali ah ay isa soo dhiibeen siday qoreen warbaahinta.

Dagaalkii Jubaland iyo Dowladda Federaalka ku dhexmaray Raaskaambooni ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, iyada oo Jubaland ay qabqabatay boqollaal askari oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan kuwaas oo Jubaland ay dib ugu celisay Muqdisho.

Xaalad dayac iyo nolol xumo ah

Xasan Ciraaqi iyo ciidankiisa ayaa intii badbaaday waxaa dib loogu celiyay Muqdisho, hase yeeshee ilo wareedyo ayaa sheegaya in xaalado nolol xumo iyo dayac ay soo wajahday, waxaana dalka ka tahriibay qaar ka mid ah askartii Gorgor, kuwaas oo qaarkood ay ku biireen ciidamada maamul goboleedyada Soomaaliya, halkaa qaar kalana ay dalka ka baxsadeen.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa isagu laftiisa xamili waayay nolosha adag ee Muqdisho, wuxuuna isaga tagay oo u kacdoomay dhanka Itoobiya.

Xasan Ciraaqi wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu si qarsoodi ah ugu safray ehelkiisa oo ku sugan Jigjiga.

Lama oga waxa uu ugu soo safray dhanka Somaliland, gaar ahaan Wajaale oo hadda lagu qabtay.

Somaliland ayaa horey ugu eedeysay Soomaaliya inay ciidamo ku soo daadgureysay deegaanada Laascaanood iyo Sanaag, halkaas oo rabshado amni darro dhaliyay ay ka taagnaayeen muddooyink dambe.

Dagaalkii Laascaanood ee 2023 ayay Somaliland ku doodeysaa inay ka qeybqaateen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Gorgor ee ay Turkidu soo tababareen.

Weli si rasmi ah Somaliland iyo Soomaaliya ugama aysan hadlin qabashada taliye Xasan Ciraaqi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News