Imaaraadka (KAAB TV) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Turkiga ay gacan ka gaysteen soo qabashada dad lagu eedeeyay dilka Raabi Israa’iili ah oo ka dhacay Imaaraadka.
Sidoo kale, war ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda, ayey wasaaraddu uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Turkiga “la-shaqeynta ay ka sameysay soo qabashada dembiilayaasha”, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Imaaraatka ayaa sheegay inay xireen saddex nin oo Uzbekistani ah oo looga shakisan yahay inay dileen Zvi Kogan, oo ahaa 28 jir Raabi ah, kaasi oo ku noolaa Imaaraadka sidoo kalena haystay dhalashada Moldova.
Tuhmanayaashaan ayaa laga qabtay magaalada Istanbul, hawlgal qarsoodi ah oo ay isbuucaan fuliyeen sirdoonka iyo booliska Turkiga, iyaga oo raacaya codsiga dawladda Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay il-wareeydo dhinaca ammaanka oo dowladda Turkiga ah.
Hay’addaha Sirdoonka Turkiga ayaa ogaaday duulimaadka ay tuhmanayaasha ku yimaadeen Istanbul, waxaana booliska Turkiga ay qabteen markii ay ka tageen garoonka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.
Ilaa iyo hadda Lama sheegin xaaladda ku gedaaman dhimashada Kogan, mana cadda in madaxda Imaaraatka ay go’aamiyeen sabab dhiiri-gelisay ama halka ay ku sugnaayeen saddexda tuhmane markii la xirayay.
Dhanka Saraakiisha Israel ayaa iyaguna dhankooda sheegay in Kogan loo beegsaday inuu ahaa Yuhuudi waxayna, dilkiisa ku sifeeyeen weerar Yahuud nacayb ah, hay’adaha Israa’iil ayaa gacan ka geysanaya baaritaanka.
Ninkan Yahuudiga ee Kogan ayaa ku lug lahaa wacyigelinta dadka yahuudiga ee kunool dalkaasi Imaaraadka, isagoona halkaasi kunolaa muddo dhowr sano ah, laamaha ammaanka ayaa sheegay in Ninkan lawaayay khamiistii waxaana meydkiisa lahelay maalinimadii Axada aheyd.
Saraakiisha Uzbekistan ayaa sheegay in xukuumadda Tashkent ay ka caawinaysay Imaaraatka iyo mas’uuliyiinta Israel baaritaanka.