Muqdisho (KAAB TV) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee sida weyn kaga soo horjeed hab maamulka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.
Sidoo kale, bayaan ay si wadajir usoo saareen siyaasiyaantaan ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga.
Dhanka kale, Siyaasiyiintan ayaa Xusay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, ee uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”
“si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.”
Sikastaba, bayaankan kasoo baxay madaxda mucaaradka ayaa kusoo beegmaya kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh khudbad uu jeediyay uu ku codsatay in gogol nabadeed uu fidiyo cidii tabasho qabtana ay miiska wadahadalka timaado, iyagoo ugu dambeyn maanta kasoo jawaabay baaqii madaxweyne Xasan Sheekh.