Baydhabo (KAAB TV) -Somali Journalists Syndicate { SJS} ayaa tababarka habka tabinta wararka isbeddelka cimillada u furtay in ka badan 15 suxufiyiin oo kala socda warbaahinta maxalliga ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tababarka oo ah wareeggii labaad oo socda sannadkii saddexaad ayaa waxaa iska kaashanaya #SJS iyo Shabakadda #MEDICO. Waxaa sidoo kale taageero ka geystay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Dowladda #KGS.
Suxufiyiinta ayaa ka heli doona aqoon aragti iyo faham ku saabsan habka tebinta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhibaatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunka Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooyink ka dhashay Isbedelka Cimilada .










