Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa si adag u cambaareeyay bayaanka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay 19-kii Oktoobar 2026, kaas oo digniin loogu diray warbaahinta iyo maamulayaasha baraha bulshada ee ka warbixinaya dagaallada ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
SJS ayaa sheegtay in digniinta dowladda, oo ka digaysay faafinta waxyaabaha ay ku tilmaantay dacaayadaha argagixisada, ay khatar ku tahay xorriyadda saxaafadda, isla markaana ay abuuri karto cabsi iyo is-xakameyn ay suxufiyiintu ku sameeyaan wararka ay bulshada u gudbinayaan.
Ururka ayaa si gaar ah uga walaacay hadalka dowladda ee ahaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo si ula kac ah warbaahinta ama baraha bulshada ugu adeegsata inay ka qayb qaadato ama fududeyso falal dembiyeed.
SJS waxay dowladda xusuusisay in Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 18-aad, uu dammaanad qaadayo xorriyadda hadalka iyo saxaafadda, halka Qodobka 32-aad uu ilaalinayo xaqa muwaadiniinta u leeyihiin helitaanka macluumaadka.
Ururka ayaa sidoo kale tixraacay Qodobka 19-aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, kaas oo dhigaya in xaddidaad kasta oo lagu sameeyo xorriyadda hadalka ay waafaqdo sharciga, yeelato ujeeddo sharci ah, isla markaana ay noqoto mid lagama maarmaan ah oo aan ka badbadin ujeeddada laga leeyahay.
SJS ayaa adkaysay in wariyeyaasha ka warbixinaya dagaallada ama soo xiganaya dhinacyada isku haya awoodda aysan taasi ka dhignayn inay taageerayaan dhinac gaar ah. Waxay sheegtay in suxufiyiintu xaq u leeyihiin inay xaqiijiyaan xogta, baaraan sheegashooyinka dhinacyada dagaallamaya, su’aalo ka keenaan wararka rasmiga ah, isla markaana bulshada u gudbiyaan warar dhexdhexaad ah.
Ururka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xaaladda suxufiyiinta ka howlgala Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in ay la kulmeen hanjabaado, xarig iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira shaqadooda. SJS waxay xustay in shan wariye ay ku qasbanaadeen inay gobolka ka baxaan, halka siddeed kale ay dhuumasho ku jiraan sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan aargoosi.
Sidoo kale, ururku wuxuu soo hadal qaaday dilkii wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo lagu dilay magaalada Baydhabo horraantii Sebtembar 2026, iyo xarigga afar wariye oo uu sheegay in loo xiray warbixino aysan maamulka deegaanku raalli ka ahayn.
Dhanka kale, dagaallada u dhexeeya ciidamada taageersan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo kuwa taageersan Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sababay khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in ku dhowaad 234 qof oo rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay dagaallada intii u dhexeysay 17-kii Agoosto iyo 3-dii Sebtembar, kuwaas oo ay ku jireen haween iyo carruur.
Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin, ayaa dowladda ugu baaqay inay ka laabato bayaanka ay soo saartay, isla markaana ay joojiso tallaabooyinka cabsi gelin kara suxufiyiinta ka warbixinaya colaadda. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha amniga, oo ay ku jiraan NISA iyo booliska, inay ka fogaadaan xarig aan sharci ahayn, hanjabaad iyo dhibaateyn ka dhan ah wariyeyaasha gudanaya waajibaadkooda shaqo.
SJS waxay ugu dambeyn dowladda ka dalbatay inay ilaaliso madax-bannaanida warbaahinta, xaqiijiso badbaadada suxufiyiinta, si madax-bannaan u baarto weerarrada ka dhanka ah saxaafadda, isla markaana hubiso in tallaabooyinka amniga aan loo adeegsan cabburinta warbixinnada sharciga ah.
Ururka ayaa ku celiyay in saxaafad madax-bannaan ay muhiim u tahay helitaanka xog sax ah iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan colaado iyo khilaafaad siyaasadeed.

