SO | EN

SO | EN

SJS oo cambaareysay falkii sharci darada ahaa ee lagu afduubay Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakarta.

|

MUQDISHO (Kaab TV) –  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynayaa falkii sharci darada ahaa ee lagu afduubay Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakarta) oo ka tirsanaa SJS, kaasi oo goor hore ay Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay xoog kaga kaxeysteen gurigiisa oo ku yaala degmada Boondheere. subaxnimadii Jimcaha 18ka Oktoobar, sida ay sheegeen xubnaha qoyska iyo maamulka Idaacadda Risaala.

Sida uu sheegay Agaasimaha Idaacadda Risaala, Maxamed Cabduwahaab C/llaahi, Kooxo hubeysan oo ka tirsan Hay’adda NISA ayaa abbaare 3:00 Subaxnimo ee maanta oo Jimco ah 18-kii bishan soo gaaray Guriga Wariyaha, iyagoona af-duubtay Wariyaha. Qof ka mid ah qoyska ayaa arkay labo askari oo ka tirsan NISA oo guriga soo galay oo katiinadeeyay weriyaha, halka dhowr kalena ay bannaanka dhigteen gaari Toyota 4WD ah oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran dooriga u dhaca.

Ragga gudaha u galay guriga wariyaha ayaa ka qaatay taleefoonka wariyaha iyo Laptop-kiisa gaarka ah, sida uu SJS u sheegay Agaasimaha Hay’adda Warbaahinta Risaala.

“Maamulka warbaahinta Risaala waxa ay cambaareynayaan afduubka iyo falalka sharci darrada ah ee lagula kacay wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakarta) waxaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loo sii daayo,” ayuu yiri agaasimaha guud ee warbaahinta Risaala, Maxamed Cabduwahaab.

Subaxnimadii Jimcaha, ayaa SJS ay ka war heleen ilo amni, in wariyaha lagu hayo Godka Jilacow oo ah xarun jirdil iyo xarig ah oo NISA ay ka waddo Muqdisho.

Saraakiisha NISA ayaan ka jawaabin baaqyada SJS ee lagu raadinayo in laga jawaabo af-duubka wariyaha iyo weerarkii gurigiisa lagu qaaday.
Warbaahinta Risaala oo ka howlgasha Idaacadda Risaala iyo TV-ga ay ku xiran tahay ee Risaala ayaa si weyn u hadal haysay arrimaha amniga Soomaaliya ee Muqdisho iyo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Horay waxaa xabsiga loo taxaabay dhowr wariye iyo shaqaale ka tirsan Risaala, sida ku cad warqadaha SJS.

Weerarkan bahalnimada ah ee lagula kacay Wariyaha ka tirsan Idaacadda Risaala, xilli habeen saq dhexe ah, iyadoo ay goob joog ahaayeen qoyskiisa, ayaa waxay xadgudub cad ku tahay xoriyadda Saxaafadda iyo xuquuqdiisa. Isticmaalka xoogga ay adeegsadaan laamaha amniga dowladda si ay u aamusiyaan xubnaha saxafada kaliya ma ahan mid halis gelinaya amniga shaqsiga saxafiyiinta ah balse waxa ay wiiqeysaa xaqa ay dadweynuhu u leeyihiin helida xog madax banaan oo xor ah.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya, gaar ahaan NISA inay si deg deg ah u sii daayaan saaxiibkeen Cabduqaadir Jakarta, ayna damaanad qaadaan ammaankiisa. Sidoo kale, waxaan dalbanaynaa in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo xaaladda falkan sharci-darrada ah, iyadoo lagula xisaabtamayo dadka ku xad-gudbay xuquuqda suxufiyiinta iyo mabaadi’da caddaaladda,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News