SO | EN

SO | EN

SJS oo cambaareysay xarig loo geystay wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters

|

Muqdisho (KAAB TV) – Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa  cambaareysay falka sharci darrada ah ee xorriyad ka qaadista ee loo geystay Feysal Cumar, oo ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters.

Feysal wuxuu ku guda jiray gudashada waajidbkiisa suxufinnimo markii koox ka tirsan booliska ay kexeysteen. Waxaa la geeyay saldhigga booliska degmada Wadajir ayaa laguyr qoraal ka soo baxay sjs.

Waxaan ku baaqaynaa in deg deg loo siidaayo Feysal, lana joojiyo falalka handadaadda, xorriyad ka qaadista iyo hor istaagidda ee lagu haayo suxufiyiinta #Muqdisho.

#SJS waxay ku dhiirigalinaysaa suxufiyiinta inay waajibkooda gutaan cabsi la’aan, si wadajir ahna isula shaqeeyaan, isagana war qabaan.

Tebinta mudaaharaadyadu waa xuquuq dastuuri ah, saxaafadda waxay xaq u leedahay inay soo tebiso mudaaharaadyada ay dadweynaha u dhigayaan si nabdoon.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News