SJS oo cambaareysay xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Wariye ka tirsan Dalbile TV

|

Muqdisho (KAAB TV) -Somali Journalists Syndicate – SJS ,waxa ay si adag u cambaareynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Wariye Anisa Ahmed, oo ka tirsan shaqaalaha Dalbile TV ee Muqdisho. Sid ay inoo xaqiijiyeen ilo madaxbannaan Wariyaha ayaa laga afduubtay saldhigga degmada Waabari, kadib markii uu u yeeray taliyaha booliska Degmada Waabari, waxaana haatan lagu hayaa saldhigga booliska degmada Dayniile.

Falkan sharci-darrada ah waa xadgudub cad oo lagu sameeyay xorriyadda saxaafadda iyo shuruucda dalka, isla markaana wuxuu halis weyn ku yahay ammaanka iyo xorriyadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

SJS waxa ay ugu baaqaysaa masuuliyiinta dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, In ay si degdeg ah u sii daayaan Wariye Anisa Ahmed, in ay xaqiijiyaan in saxafiyiinta Soomaaliyeed aan lagu cabburin xarig aan sharci ku dhisnayn iyo in tallaabo sharciyeed laga qaado xubnaha ku lugta leh dhacdadan sharci-darrada ah.

SJS waxa ay mar kale ku celinaysaa in xorriyadda saxaafadda ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo xasilloonida bulshada, iyadoo aan loo dulqaadan doonin xadgudub kasta oo lagu hayo suxufiyiinta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News