Muqdisho (KAAB TV) Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa walaac ka muujisay hanjabaadaha Nisa.
Saddex askari oo ka tirsan #NISA ayaa caawa fiidkii abaare 8:00pm weerartay guri uu degmada #Waaberi, ee magaalada Muqdisho, ka deggan yahay Shariif Cabdi, oo ka mid ah suxufiyiinta reer Hiiraan ee wax ku qorta baraha bulshada.
Shariif ayaa beryahan barihiisa ku faafinayay dhaliilo ka dhan ah hay’adda #NISA.
Sida ilo wareedyo noo sheegeen Shariif Cabdi ma joogin hoygiisa xilliga ay askartu galeen guriga, waxayse handadaad ku sameeyeen xubno qoyska ah, iyagoo jabiyay albaabka guriga markii ay galayeen.
Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ka walaacsan tahay beegsiga lagu hayo suxufiyiinta dhaliisha u jeedisa hay’adaha amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay taagan tahay muranka la xiriira doorashooyinka dalka.