Hargeysa (KAAB TV) – Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa kordhisay muddada xabsi ku heynta ee Guddoomiyaha iyo aas-aasaha MM Somali TV, Maxamed Cabdi Ilig oo tan iyo 6 Jannaayo ku xiran magaalada Hargeysa.
Kordhinta muddada xabsi ku heynta Ilig waa tii labaad muddo labo toddobaad gudahood ah. Maxamed Cabdi Ilig ayaa hadda xiran maalinkii 37aad iyadoo aysan jirin eedeyn rasmi ah oo lagu oogay.
SJS waxay mar kale ugu baaqaysaa Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed Cabdi Ilig, isla markaana la joojiyo falalka aan loo meel dayin ee lagu dhibaataynayo laguna cabsi gelinayo Ilig iyo asxaabtiisa MM Somali TV. Kordhinta joogtada ah ee xadhigiisa sabab la’aanta ah ma laha wax ujeeddo ah oo aan ka ahayn in lagu wiiqo niyadda Ilig, waayo maba jirto dembi uu geystay.
“Waxaan u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu adeegsado awooddiisa oo uu xabsiga ka sii daayo Maxamed Cabdi Ilig. Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa in uu faro saraakiisha amniga in ay joojiyaan cago-juglaynta ay ku hayaan suxufiyiinta MM Somali TV iyo hawl-wadeenada kale ee warbaahinta Somaliland,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Ahmed Mumin.
“Saxaafadda ma aha in loogu hanjabo xadhig ama cagajugleyn, gaar ahaan marka ay saxafiyiintu fududeeyaan doodaha danta guud, taas oo xitaa madaxda Somaliland ay ka qaybgaleen doodahaas,” ayuu Muumin hadalkiisa raaciyay.
sidoo kale 1dii Febraayo, booliska magaalada Berbera ayaa xiray saxafi Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka hawlgala Horyaal TV ka dib markii qoraallo uu ku faafiyay boggiisa Facebook uu dhibsaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera.
Muddo 5 maalmood ka dib, saxafi Cabdiraxmaan ayaa laga siidaayey xabsiga ka dib markii garsooraha maxkamadda Berbera uu diiday codsi ka yimid booliska oo ahaa kordhin xabsi ku heyn, mana jirin eedeyn lagu soo oogay.
Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ka walaacsan tahay cadaadiska lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland, waxayna u soo jeedinaysaa mas’uuliyiinta Somaliland inay u ogolaadaan warbaahinta inay shaqadooda ku aaddan la xisaabtanka iyo soo bandhigista arrimaha danta guud ay gutaan cadaadis la’aan.