GAALKACYO (KAAB TV) -Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa ka walaacsan xarigga magaalada Gaalkacyo loogu geystay wariye Saciid Cabdullaahi Kulmiye (Saciid Nadaara) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Mudug.
Xarigga suxufigan waxaa uu imaanaya xilli maalmahan ay jireen cadaadis ay la kulmayeen suxufiyiinta ku sugan Gaalkacyo oo sheegay in masuuliyiinta qaarkood ay ugu hanjabayeen xarig sababo la xiriira habka wartebinta dhacdooyinka ka socda gobolka Mudug.
SJS waxay ku baaqeysaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo wariye Saciid Nadaara, iyo inay maamullada deegaanka ka fogaadaan cadaadiska iyo xarigga warfidiyeenka u adeegaya dadkooda ayaa lag yiri qoraal ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS .

