SO | EN

SO | EN

SJS oo ku baaqday in baaritaan buuxa la sameeyo Shaqaale warbaahineed oo lagu dilay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa si kulul u cambaareeyay dilka C/fitaax Cabdi Cismaan oo loo yaqaanay Carab oo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta Astaan ​​TV oo ah shabakad gaar loo leeyahay oo ku taal magaalada Muqdisho.

Carab oo ahaa farsamayaqaan telefishan ayaa nin hubeysan toogasho ku dilay subaxnimadii Axadda, 25 May 2025.

Sida ay sheegeen asxaabtiisa, Carab ayaa ku sii jeeday shaqada xarunta TV-ga Astaan ​​ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana toogtay askari ilaalo ah oo ku sugnaa guri hotel gaar loo leeyahay oo ku dhowaa.

 

Carab ayaa saarnaa mooto uu watay markii uu falka dhacay. In kasta oo loola cararay cusbitaalka, haddana waxa la sheegay in uu dhintay wax yar ka dib markii uu yimid, sida uu SJS u sheegay agaasime ka tirsan saldhigga.

 

SJS ayaa ogaatay in bilaysku ay qabteen tuhmane da’ dhexaad ah oo la rumaysan yahay inuu yahay ninka hubaysan. Baaritaan ayaa socda, sida ay booliisku sheegeen.

 

SJS waxay si kulul u cambaaraynaysaa dilka Cabdifitaax Cabdi Cismaan (Carab) oo ahaa shaqaale warbaahineed oo daacad ah. Shaqaalaha TV-ga Astaan ​​ayaa horay ula kulmay hanjabaado uga imaanayay jilayaal kala duwan. Idaacadan oo caan ku ah barnaamijyada madadaalada iyo ciyaaraha ayaa waxa ay gaartaa malaayiin qoys oo ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada kale.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday C/fitaax Cabdi Cismaan (Carab) oo Axadii lagu dilay Magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo, waxaan si adag u cambaareyneynaa dilkaasi.

 

“Waxaan ka war-qabnaa in booliiska degmada Hodan ay ku dhawaaqeen inay soo qabteen qof laga shakisan yahay, waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah, daah-furan, baaritaan dhab ah loo sameeyo, qoyska Carabtu waxay mudan yihiin cadaalad buuxda,” ayuu Mr. Muumin hadalkiisa ku daray.

 

Carab, oo da’diisu ahayd qiyaastii 38 jir, wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo wiil yar. Marka laga soo tago shaqadiisa dhanka warbaahinta, waxa uu sidoo kale ahaa ciyaaryahan laga ixtiraamo magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News