MUQDISHO (Kaab TV) –Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya ka billawday wareeg kale oo ah tababarrada dhismaha xirfadda gabdhaha suxufiyiinta ee Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah barnaamijyada horumarinta iyo sare u qaadista aqoonta iyo awoodda haweenka suxufiyiinta ah.
Tababarradan oo qeyb ka ah barnaamijyo dhowr ah ayaa waxaa Somali Journalists Syndicate – SJS ka taageeraya Dowladda iyo Shacabka #Canada 🇨🇦.
Ujeeddada tababarrada gabdhaha wuxufiyiinta – kuwa hore u soo shaqeeyay iyo kuwa hadda cusub – ayaa ah gabdhuhu in ay gaaraan isku filnaan dhanka shaqadooda, ayna dareemi karaan inay si madax-bannaan oo xorriyad leh u shaqeysan karaan markasta iyo meelkasta.
Madaxda ugu sareysa sjs ayaa dhankooda u mahadceliyay taageerada Dowladda iyo Shacabka #Canada 🇨🇦.