Shabeellaha Hoose(KAAB TV) – SJS Baraarug ayaa tababar ku saabsan kobcinta doorka suxufiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka, odayaasha deegaanka, maamullada maxalliga, barakacayaasha, ee ku aaddan ka hortagga ka faa’ideysiga dhallinyarada, iyo fahamka xuquuqda muwaadinka ku qabatay gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay tababarkaas oo ka hadlay ayaa sheegay in wax badan ay ka faa’ideysteen ayagoona ugu mahadceliyay madaxda ugu sareysa sjs.
Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka mid ah deegaanada ugu kheyraadka badan dhanka xeebaha, dhul beereedka, xoolaha nool, ayaa haddana dadkiisu wajahayaan caqabado waaweyn oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo xuquuqda bulshada.



















