SO | EN

SO | EN

SJS oo u soo jeedisay booliska Muqdisho iyo maamulka Villa Soomaaliya inay sharciga u soo laabtaan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Somali Journalists Syndicate – SJS waxay cambaareyneysaa xarigga sharci darrada, iyo falka handadaada ku dheehan tahay ee ka dhanka ah Agaasimaha Warbaahinta Shabelle, Abukar Sheikh Mohamud, iyo Agaasime Ku-Xigeenkiisa Maxamuud Cabdinaasir (Soofeeysane).

Booliska Gobolka Banaadir ayaa u yeeray ka dibna sifo sharciga baalmarsan ugu xiray labada suxufi Saldhigga Booliska degmada Xamar Weyne, ee magaalada Muqdisho.

Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa lagu wargaliyay in muddo kooban ka dib la siidaayay labada suxufi.

Ma jirto wax eed ah oo loo sheegay, waxay #SJS u aragtaa in ujeedku ahaa oo kaliya caga jugleyn iyo cabsi galin ka dhan ah hawlaha warbaahinta #Shabeelle.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay u soo jeedineysaa booliska Muqdisho iyo maamulka Villa Soomaaliya inay sharciga u soo laabtaan, ayna joojiyaan ku tumashada qaanuunka, falalka afduubyada, iyo handadaadaha har iyo habeen ay ku hayaan suxufiyiinta iyo warbaahinta.

SJS waxay suxufiyiinta u soo jeedineysaa inaysan shaqadooda muhiimka ah uga waaban handadaaha socda iyo xarigga afduubka ee loo geysto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News