SO | EN

SO | EN

SJS oo war ka soo saartay: Suxufiyiin lagu rasaaseeyay ka dibna lagu xiray Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) –Ciidan boolis ah oo ku sugan degmada Dayniile ayaa rasaas ku furay afar suxufi oo kasoo warramaayay mudaaharaad dadweyne oo ka socday agagaarka Warshaddii hore ee Taraqa iyo Sigaarka.

Dadweynaha ayaa ka cabanayay dhulboob ay sheegeen inay dowladda ku heyso.

Afarta suxufi oo kala ah: Shukri Caabi Cabdi, Deeq Macallin Jiinow, Xuseen Makaraan iyo Najiib Faarax Maxamed ayaa ka dib weerarka rasaaseynta lagu xiray saldhigga booliska degmada Dayniile, halkaasoo qalabkii ay wateen looga qaatay, loogana tirtiray muuqaaladdii ay soo duubeen dadweynaha dibadbaxa dhigayay.

Dhacdadan waa falkii ugu dambeeyay weeraro joogto noqday oo maalmahan lagu hayo suxufiyiinta Muqdisho, waxaana falka maanta uu ahaa mid halis weyn ku ahaa nolosha afarta wariye.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ku baaqeysaa in deg deg loola xisaabtamo kuwii rasaasta ku furay suxufiyiinta, lana horkeeno sharciga. Sidoo kale saraakiisha soo amartay weerarkan waa in lagula xisaabtamaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News