MUQDISHO (Kaab TV) -Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falkii subaxnimadii Talaadada ee 24-kii February 2026-ka magaalada Muqdisho loogu geystay saraakiil hubeysan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed wariye C/xaafid Nor, waxayna dalbanayaan in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo.
Saraakiil hubeysan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa 24-kii bishii Febraayo abaaro 1:50 subaxnimo magaalada Muqdisho ka afduubtay wariye Cabdixaafid Nor.
Goob joogayaal ayaa SJS u sheegay in C/xaafid uu ku sugnaa Maqaaxi ku taalla deegaanka Subax subaxnimadii Talaadada, markaasoo ay saraakiisha hubeysan oo qaarkood ku labisan dareeska ciidanka iyo kuwa kale oo dhar caadi ah watay ay ku soo qaadeen gaari nooca xamuulka ah oo ay kaxeysteen.
Illo xog ogaal ah ayaa SJS u sheegay in wariyaha loo daabulay xero ciidan oo ku taal gudaha Akadeemiyada Jaalle Siyaad ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qoyskiisa iyo asxaabtiisa waa ay awoodi waayeen inay helaan, taleefoonkiisuna waa dansan yahay.
Isniintii 23-kii February, Cabdixaafid Nuur, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, si firfircoonna wax ugu soo daabaca Facebook-ga, ayaa soo bandhigay xil ka qaadis lagu sameeyay afar taliye oo ka tirsan ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaray. Sida ku cad warbixintiisa, saraakiisha ayaa xilka laga xayuubiyey ka dib markii uu muran ka dhashay amarro ah in laga jaro $100 gunnooyinka askartii ku dhaawacantay ama ku xanuunsaday intii ay ka shaqaynayeen qaybta. Afarta taliye ayaa la sheegay inay diideen amarkaasi, taasoo keentay in si degdeg ah xilka looga qaado.
Ilo-wareed ka tirsan Milliteriga Somalia ayaa SJS u sheegay in Warbixintu ay ka careysiisay Saraakiil ka tirsan qeybta Gorgor, taasoo la sheegay inay sababtay afduubka Wariyaha.
SJS waxay si adag u cambaaraynaysaa falkan afduubka ah, kaas oo ka dhigan xad-gudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee saxafiga.
Afduubka loo geystay saxafigeena Cabdixaafid Nuur oo kashifay xil ka qaadistii lagu sameeyay saraakiisha ciidamada Gorgor oo ah danta guud waa weerar toos ah oo ka dhan ah xoriyadda saxaafadda,” ayuu yiri xoghayaha guud ee SJS Cabdalle Muumin.
“Waxaan ugu baaqaynaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Afduubtay C/xaafid Nor inay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan, sidoo kale waxaan codsaneynaa in la joojiyo cabsi gelinta, xarigga aan sharciga ahayn, iyo aargoosiga ka dhanka ah Suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Muumin.

