HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay hoggaanka saddexda xisbi ee siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo looga hadlay xaaladaha colaadeed ee ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer ugu xog warramay Guddoomiyeyaasha iyo hoggaanka saddexda xisbi arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan colaadaha ka aloosan degmada Ceerigaabo.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa sheegay in Madaxweynuhu wuxuu Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi Qaran si qoto dheer ugaga xog warramay guud ahaannba arrimaha amni ee dalka, gaar ahaan colaadaha ka aloosan Degmada Ceerigaabo.
“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, Ciidamada Qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri afhayeenka Xuseen Deyr.
Colaadda Ceerigaabo
Colaadda hadda socota ee ka taagan magaalada Ceerigaabo ayaa socotay in ka badan hal toddobaad, waxaana ku dhinteen in ka badan toban ruux, iyadoo dhaawacyada ay ka badan yihiin tiradaas.
Dagaalka, oo markii hore ka bilowday dadka shacabka ee wada dega Ceerigaabo, ayaa hadda u xuubsiibtay mid qabiileysan, iyadoo dhinacyada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay kala safteen ciidamo beeleedyada dagaalamaya.
Colaadda ka taagan Ceerigaabo waxay daba socotaa xaalado colaadeed oo guud ahaan deegaanada Sool iyo Sanaag ka taagnaa tan iyo sannadkii hore.
Sidoo kale, colaad kale ayaa ka socota deegaanada xuduudda Somaliland la wadaagto gobolka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya, taasoo muddo laba maalmood ah socotay.