Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Somaliland: Dhallinyarada nooga xiran Muqdisho waa la jirdilaa, qaarna waa la dilay

|

HARGEYSA (KAAB TV) -Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya iyo hay’adeeda sirdoonka ee NISA inay jirdil ku hayso dhallinyaro kasoo jeedaa Hargeysa oo ku xiran Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhallinyarada qaarkood la dilay, halka qaar kale oo ay xirtay hay’adda NISA lagu qasbaayo inay qirtaan dembiyo, sida uu yiri wasiirka, aysan gelin.

“Dhallinyaro ayaa jirta oo inaga xiran Xamar, oo u shaqeyn jiray waaxda socdaalka Soomaaliya, oo qaarna la dilay kuwii kalana ay xirxiran yihiin. Wararka aanu heleyno waxaa ka mid ah in la jirdilaayo, oo eheladoodii inay arkaan loo diiday, qasab la doonayo in lagu yeelsiiyo waxaanay qabin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Baaqa QM iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa baaq u jeediyay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha inay kasoo warbixiyaan dhallinyarada xir-xiran, maadaama ehelkooda aan loo ogoleyn inay arkaan.

“Waxaanu leenahay cid kasta, ama QM ama xuquuqda aadanaha ka shaqeeya, waa inay dadkaas soo eegaan war rasmiya ka keenaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Maxamed Xasan.

Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay falal cadawtinimo leh kula dhaqmeyso dadka kasoo jeeda Somaliland.

“Dowladda meeshaa ka jirta iyo hay’adeeda sirdoonka waxay doonayaan inay horraantoodiina laayeen, kuwa kalana ku qasbaan waxaanay qabin. Wax Soomaali iyo bani’aadam ka dhexeeyaan ma aha,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan.

Dhallinyarada xir-xiran oo tiradooda lagu sheegay illaa 9 ayaa la xiray ka dib dilkii Cadinaasir Muuse Dahable oo lagu ceejiyay gurigiisa magaalada Muqdisho 18kii Febraayo 2024.

Hay’adda NISA oo xirtay dhallinyaradan ayaan wax war ah kasoo saarin illaa hadda. Waxaana si weyn loo tuhunsan yahay in dilka Dahable uu ahaa mid siyaasadeed oo ay qeyb ahan ku lug leedahay hay’adda NISA.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News