SO | EN

SO | EN

Somaliland ‘’ Dowladda Xasan Sheekh waxay doonaysaa inay na go’doomiso ‘’

|

Muqdisho (KAAB ) – waxaa sii  kordhahaya eedeymaha Somaliland ay u jeedinayso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wixii ka danbeeyay markii Somaliland ay la macaamishay Itoobiya.

Arinta ugu daran  ayaa ah in Somaliland ay sheegayso in Dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay xanibto dhamaan adeegayda Hay’adda duulista hawada ee Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Duulista iyo Madaarada maamulka Somaliland ayaa looga hadlay khilaafka dhinaca hawada ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo tallaabooyin ay labada dhinacba qaadeen.

Warka kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya markii ay ku fashilantay in kaligood hawada maamulaan ay qorsheenayaan in ay soo saaraan qoraal ay ku caddeenayaan in ay xiran yihiin garoomada Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News