Laascaanod (Kaab TV) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay madaafiic isku weeydaarsadeen Ciidamada Millateriga Somaliland iyo xoogagga SSC.
Isweeydaariska madaafiicdan ayaa waxaa la sheegay inay timid kadib markii Ciidamada Somaliland oo Dhaq dhaqaaqyo Ciidan wada ay madaafiic ku weerareen xoogagga SSC.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudareen in Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen Xerada Goojacadde oo ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Somaliland ku leeyihiin duleedka Laascaanood, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay madaafiicda.
Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda waxaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen Saldhigyo ku yaalla duleedka Magaalada Laascaanood, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.