HARGEYSA (KAAB TV) – Munaasibadda dabbaaldegda xuska 26-ka June ayaa Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay xalay.
Munaasibadda xuska maalinta xorriyadda waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.
Waxaa sidoo kale ka qeybgalay shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xisbiyada UCID iyo KULMIYE, madaxda qaar kamid ah ururrada siyaasadda, taliyayeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, Diblomaasiyiin ka socda qaar kamid ah dalalka caalamka, siyaasiyiin, haldoor dhallinyaro, aqoonyahan, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale.

64 sano ka dib
Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay gabagabada munaasibadda 64-guurada xorriyadda oo ku beegan markii gumeystihii Ingiriisku xorriyad siiyay gobollada waqooyi 26kii June 1960kii.
Muuse Biixi ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku tilmaamay “nin meel uu xukumo jirin”

Muuse Biixi ayaa sheegay in Xasan Sheekh lixdii bilood ee lasoo dhaafay ku hadlaayey hadallo is khilaafsan markuu ka hadlaayay diidmada heshiiska MOU ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
“Dowladda Xasan Shiikh waxay xukuntaa oo ayan weliba gacanta ku wada heyn Gobolka Banaadir. Kismaayo waa dowlad gaar ah, Baydhabo-na waa mid gaar ah oo lama faragelin karo, Jowhar waa mid gaar ah, Beledweyne waa mid kale, Garoowe waa mid kale,” ayuu yiri Muuse Biixi.
Wuxuu shegay in dowladda Xamar miisaaniyadeeda oo ah hal bilyan iyo bar doollar, taaso 70% ay ka timaado tuugsi iyo qarafeysi oo “ka timaada dad aan Muslim ahayn,” sida uu yiri.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuu jiro khalad ay aaminsan tahay beesha caalamka oo ah in Somaliland la siiyo 30% wixii ay Soomaalida wada lahaan jirtay, taasoo uu sheegay in laga soo guuriyay baarlamaankii ugu horreeyay 1960kii ay reer waqooyigu ku lahaayeen 30%.

