OOG (KAAB TV) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay ciidan hor leh oo ay ku daadgureeyeen jiidda degmada Oog ee gobolka Togdheer, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo ee bishii hore qabsaday Laascaanood.
Ciidanka cusub ee Somaliland ay geysay Oog ayaa sida saraakiil booqatay Talaadadii sheegeen waxaa laga soo aruuriyay deegaanada Somaliland, waxayna ka mid ahaayeen askar dhowaan tababar loo soo gabagabeeyay.
Taliyaha ciidanka Somaliland, Generaal Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqani Mohamud Caateeye ayaa hadallo u jeediyay ciidanka cusub ee la geeyay jiidda Oog.
Waxay sheegeen in ciidanka uu dhowaan duulaan ku qaadi doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ay sheegeen in kooxo is aruruursaday ay qabsadeen.
“Inaad hawlgal adag ciidanka la gashaan, oo diyaargarowdaan baa la idinka doonayaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani.
Generaal Nuux Taani ayaa sheegay inuu rajeynayo in muddo toddobaad ah ay ciidamada ku keeni doonaan guul, sida uu yiri.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa isaguna sheegay in ciidankan ay qeyb ka noqonayaan ciidan kale oo dhowaan Somaliland ay keentay jiidda Oog.
“Maanta magaalo waliba ciidanka ayay u soo adeegeysaa, waanu idin garab taaganahay,” ayuu kula dardaarmay Wasiirka.
Maalmo ka hor waxaa jidda Oog sidoo kale booqday siyaasiyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Feysal Cali Waraabe oo isaguna shaaciyay in ciidamada Somaliland ay dhowaan qaadi doonaan weerar uu ku tilmaamay inay ku gaari doonaan magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.
Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay inay dhankooda diyaariyeen ciidankooda, waxayna ka digeen haddii lasoo weeraro inay jawaab adag bixin doonaan.
SSC-Khaatumo ayaa Jimcihii 25kii Agoosto la wareegay guud ahaan gobolka Sool, iyadoo ciidamada Somaliland ee ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga soo saaray gebi ahaan.
Ciidamada ssc-khaatumo ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maxaabiis nool oo 300 ka badan iyo hub ay dagaalka kaga qabsadeen ciidanka maamulka Somaliland.