HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in malaayiin ruux oo ku nool afar gobol oo ka mid ah Somaliland ay wajahayaan cunto iyo biyo yaraan daran ka dib markii ay saameeyeen abaaro.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in gurmad deg deg ah ay weydiisanayaan wadamada deeqaha bixiya iyo dadka reer Somaliland ee gude iyo dibad ku nool.
“Ummadda ku nool gobollada xeebaha sida gobolka Salal, Gobolka Saaxil, Gobolka Sanaag iyo Gobolka Awdal waxaa soo wajahay xaalado adag,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xaaladaha nololeed ee dadka ay tahay mid adag sababtuna ay tahay iyadoo abaaraha ku habsaday deegaanada Somaliland ay hadda khatar ku yihiin dad iyo duunyo intuba.
Guddi uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay ee la socodka abaaraha iyo taageerada gargaarka ayaa Arbacadii yeeshay kulankiisii ugu horreeyay.
Guddigan oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda iyo culimada diinta ayaa waxaa guddoomiye u ah Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi.
Shaqada guddigan ayay dowladdu sheegtay inay tahay qaaraan ururin iyo isku dubbaridka gurmadka deg degga ah, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige Deyr.
Waxaa guray ceelashii biiyaha, iyadoo dul daaqsimeedkii wuu xaalifay, halka xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaha dadka ay sii dabar go’ayaan markii ay waayeen daaqsin iyo biyo ku filan.
“Cunto la’aan, haraad iyo barakac ayaa ka bilawday deegaanada ay abaartu saameysay, hooyooyinka iyo ubadkii ay dhaleen iyo dadkii waayeelka ahaaba way saameysay abaarta,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Gobolka Awdal ayaa wararka nasoo gaaraya sheegayaan inuu ka mid yahay meelaha ugu daran waxaana Kaab TV soo gaartay warbixinno muujinaya in xoolaha nool ay u le’nayaan harraad daran waxaana yar meelaha laga heli karo biyo ay xooluhu cabbaan – gaar ahaan deegaanada miyiga ah.
Xaaladdan ayaa haddii ay sii socoto toddobaadyo kale waxaa laga yaabaa in xoolo badan ay u le’daan biyo la’aan, taasoo ugu dambeynta dadka kuwa nugul sida haweenka, carruurta iyo waayeelka saameyn karta.

Gurmad mideysan
Somaliland ayaa codsatay gurmad mideysan iyo dareen walaalnimo in lagu wajaho u gargaarista dadka ku tabaaloobay abaarta.
Wuxuu Madaxweyne Cirro codsi u jeediyay qurbejoogta Somaliland ee dibadda ku nool, iyo ganacsatada gudaha inay qeyb ka qaataan gurmadka.
Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale ku dhawaaqsay inay gurmad isugu jira biyo’ cunto iyo calafka xoolaha ay gaarsiin doonto dadka iyo duunyada deegaanada ay abaartu ku dhufatay.
Waxaa sidoo kale golaha wasiirada Somaliland sheegeen inay u goyn doonaan hal bil mushaharkeeda in ay ugu tabarucaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen.
Somaliland waxay kaloo codsatay deeq bixiyaasha iyo waddamada saaxiibka ah, iyadoo Madaxweyne Cirro sheegay in gurmad waqtiga ku habboon dadka lala gaaro ay badbaadin karto nafaf badan.
Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaaraya 4.4 milyan oo ruux oo ku nool Soomaaliya iyo Somaliland ay hadda wajahayaan xaalad abaar oo ah biyo yaraan iyo cunto yaraan, taasoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay “mid laga walaaco”.
Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah uga walaacsan in dhaqaalihii la filayay in lagu taageero gargaarka bani’aadannimada aanan la helin sannadkan, iyadoo badi deeqihii ka iman jiray dowladda Mareykanka uu gooyay maamulka Madaxweyne Donald Trump.

